Wararka
Golaha Deegaanka Burtinle Ayaa Is Casilay Gabi ahaanba
16 xubnood oo kamid ah golaha Degaanka degmada Buurtinle, ayaa iscasilay, kadib markii uu shalay mooshin ku furmay kal-fadhiga golaha oo ka koobnaa 23 xildhibaan.
Sida uu qabo xeerka golayaasha Degaanka Puntland ee Law 7, haddii saddex-meelood oo laba-meel iyo in ka badan ay is casilaan golaha, waxaa sharci ahaan sidaasi lagu kala dirayaa dhammaanba golaha..
Mas’uuliyiinta Ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha Maamulka Puntland oo haatan ku sugan degmada Buurtinle ayaa laga sugayaa in ay soo dhisaan gole Degaan oo cusub.