Wararka
Golaha Aqalka Sare oo maanta Akhrinta 2aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeeshay kalfadhiga 6-aad Kulankiisa 16-aad oo uu shir Guddoomiyay Guddomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi. Sidoo kale waxaa goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajendaha Kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka. Guddiga Dhaqaalaha Aqalka Sare ayaa xildhibanada ka hor akhriyay warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka.
Kulanka Golaha waxaa marti ku ahaa xubno ka kala socday Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Prof..Abdullahi Sheikh Ali ,Xafiiska Hanti-dhowraha Guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye),Bangiga dhexe.