Wararka

Golaha Aqalka sare oo dood ka yeeshay Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada iyo Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida.

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda caadiga ayaa akhrinta labaad marsiiyay Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.

Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga xukuumada federaalka Soomaaliya Xassan Cali Maxamed iyo Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Cabdullaahi Colaad Rooble ayaa horyimid Golaha waxaana warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise- sharciyeedka Howlgabnimada, Xaqsiinta iyo Hibooyinka Xubnaha Ciidamada Qalabka sida akhriyay Guddomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Golaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Maxamed Amiin Sheekh Cismaan.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi waxaana goob joog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 1aad ee Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad Senatar Moowlid xuseen Guhaad.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close