Wararka
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeeshay Kulankii 17aad ee Kalfadhiga 6aadoo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullah sidoo kale uu goob joog ka ahaa Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Ajendayaasha Kulanka maanta ayaa waxaa kamid ahaa; Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha, iyo Akhrinta 2aad ee Hindise Sharciyeedka Maamulka iyo Maaliyadda Guud.
Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa ka hor akhriyay Golaha Aqalka Sare warbixinya Hindise-sharciyeedkaan. Intaa ka dib, Golaha aqalka Sare ayaa waxaa hor yimid Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee XFS Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha wasaaradda iyo howl-wadeeno kale.
Guddomiyaha Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare Senator Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhagdheer” ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka shirkadaha.
Golaha Aqalka sare ayaa ansixiye Akhrinta 3-aad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha,Waxaana cod gacan tag ah Ogaalada 27 Waxaa ka aamusay 1 senatar ,mana jiro wax diiday.