Wararka
Golaha Aqalka Sare oo ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Aqalka Sare ku yeeshay Kulankii 14-aad ee Kalfadhiga 6-aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare Senatar Cabdi Xaaahi Cabdullahi.
Ajanadayaasha kulanka ayaa ahaa; Akhrinta 1-aad ee Hindise-Sharciyedka Istaatistikada Qarankaiyo Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ).
Hindise-Sharciyeedka Istaatistikada Qaranka oo ay soo diyaarisay Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa akhrinta 1aad marsiiyay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane/Xil. Jamaaal Maxamed Cusman .
Guddomiyaha Aqalka Sare ee BFS Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ku wareejiyay Hindise-Sharciyedyadaan, Guddiga Arrimaha Dibedda Qorsheynta, maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibaadka uga aadan hindise-Sharciyeedkan.
Intaa kadib, Guddooomiyah Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, Arimaha Bina’adannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka Senator Axmed Macalim Cumar (Nadiir) ayaa mariyay Akhrinta 3aad ee Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (GMCQ). Iyadoo uu Golaha Aqalka Sare ansixiyay Hindise-sharciyeedkan.