Wararka
Golaha Aqalka Sare oo akhrinta labaad galiyay Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Soomaaliyeed.
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulakii 14aad ee Kalfadhiga 6aad ayada oo uu shir Guddomiyay Guddomiyah kulankoodii caadiga ahaa kaas oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sanator Cabdi Xashi Cabdullahi.
Ajendaha kulanka maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa ku saabsana akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Shirkadaha Soomaaliyeed waxaana kulanka ka hadlay qaar kamid ah mudanayaasha golaha Aqalka Sare.
Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale maalinimadii shalay ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka.