Wararka

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo warbixin ka dhagaystay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa amaanta magaalada Muqdisho ku yeeshay Kalafadhiga 5-aad kulankiisa 5-aad.

Kullanka maanta ayaa Agendahiisa waxaa uu Dhageysiga warbixinta Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana kulanka shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineeysay Guddomiyaha Guddiga Marwo Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa warbixin siiyay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo faahfaahin ka siiyay heerka ay marayaan hawlaha Guddiga ee u diyaar-garoowga doorashooyinka 2020-ka.

Warbixinta kadib, xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Su’aalo ka weydiiyey Guddigan Warbixinta ay jeediyeen iyadoo intaa kadib uu Guddigu ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close