Wararka
Golaha Aqalka Sare BFS oo yeeshay kalfadhiga 5aad kulankiisa 3aad.
Kulanka maanta ay yesheen Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ajandahiisa waxaa uu ahaa Dhagaysiga warbixinta gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka iyo Dhagaysiga warbixinta gudiga la socodka iyo dib u eegista dastuurka.
waxaa shir gudoominayay Kulanka Gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Barlamaanka Federaalka Soomaaliya sen. Abshir Maxamed Axmed.
Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid Gudoomiyaha gudiga la-socodka iyo hirgalinta dastuurka BFS ayaa ka had’lay dhismaha gudiga ,xubnaha ka kooban yahay waxa uuna sheegay in gudiga uu ka kooban yahay 16 xubnood oo ka kala socda labada Aqal Barlamaanka iyo xubno ka kala socda Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Xog-hayaha Gudiga la- socodka iyo hirgalinta dastuurka BFS Sen, Xuseen sheekh Maxamuud ayaa sharaxaad ka siiyay golaha qodobada laga soo shaqeeyay iyo kuwa dhinaca awood qaybsiga ugu maqan dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyada.
Dhanka kale Senator Axmad Xaashi ayaa Golaha Ka horsheegay in dib loo dhigo akhrinta iyo kadoodida Xaqsiinta siyaasiyinta maadama shacabka Soomaaliyeed ay haaystaan dhibaatoyin loo bahnyahay in wax laga qabto.
kulanka waxaa soo xiray gudoomiye ku xigeenka 1aad Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sen.Abshir Maxamed Axmed.