Wararka

Golaha Aqalka oo magacaabay Guddi ka qayb gallo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay fatahaadda.

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya oo kulan ku Yeeshay magaalada  Muqdisho ayaa aqrinta 1-aad marsiiyay hindise sharciyeedka howlgabnimada, Xaqsiinta iyo hibooyinka Ciidammada Qalabka Sida ee dowlada Soomaaliya.

Wasiirrada gaashaandhigga iyo cadaaladda xukuumada federaalka Soomaaliya oo kulanka ka qayn galay ayaa xubnaha Aqalka Sare ka hor aqriyay hindise sharciyeedka isla Markaana sharxay muhiimadda uu leeyahay sharcigaan.

Sidoo kale Golaha aqalka sare ee Baarlamaanka dalka ayaa guddi ka kooban 8 xubnood u magacaabay ka qayb galka gurmadka loo sameynayo dadka ay saameysay fatahaadda wabiyada Jubba iyo Shabelle. guddiga waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha mudane Mowliid Xuseen Guhaad.Image may contain: 1 person, on stage and textImage may contain: 1 person, suit and textImage may contain: 1 person, suit and glassesImage may contain: one or more people and people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close