Wararka

Golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo kulan ku yeeshay Kismayo.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland waxaana kulanka diiradda lagu saaray Xaalada guud ee amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Kulanka yaa sidoo kale waxaa looga hadlay qaabkii loo maarayn lahaa khasaaraha ka dhashay weerarka haday noqoto burbur hantiyeed iyo dadka dhaawacmay intaba.

Golaha Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa u mahadceliyay dhamaan dadkii usoo tacsiyeeyay Dowlad Goboleedka Jubbaland ee xanuunka la qabsaday.

Madaxweynaha ayaa magacaabay gudiga taakulaynta dadka wax ku noqday weerarkii Hotel Madina waxa ayna  ka shaqayn doonan sidii loo caawin lahaa dadka dhibaatadu ay gaadhay iyo sidii gacan loogu fidin lahaa milkiilaha hotelka madiina.

Intii kulanka uu socdaya ayaa waxaa ay Golaha isku raaceen in Dowlad Goboleedka Jubbaland ay si adag u sugayso amaanka doorashooyinka iyadoo dhamaan Ciidamada amaanka la galiyay heegan buuxa.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in la kala saaro Siyaasada iyo amaanka oo ay siyaasadu leedahay waddo loo maro waxaa ayna intaasi ku dareen in lala xisaabtami doona oo sharciga la horkeeni doona shaqsigii sameeya fal amaanka lid ku ah.

Ugu danbeyn, Golaha amniga Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo jeediyay in wacyi galin la siiyo Bulshada la xidhiidha sidii ay ciidamada amaanka ugu gacan siin lahayeen sugida amaanka.

Image may contain: 1 person, indoorImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: one or more people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close