Wararka
Godoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo soo dhoweeyey go’aankii wasarada arimaha gudaha somaliya.
Godoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa soo dhoweeyey habraaca dorashooyinka maamul goboleedyada oo ay soo sartey wasarada arimaha gudaha somaliya.
Shir jar’id uu qabtay godoomiyaha baarlamaanka garabka cadaado Cali Gacal Casir ayaa eedeyn xoogan usoo jeediyey maamulka Puntland iyo qaar ka mid ah madaxda axsaabta mucaaradka ee dowlada fadaralka soomaaliya.
Gudoomiye Cali Gacal Casir ayaa soo dhoweeyey war kasoo baxaya wasarada arimaha gudaha ee xukuumada fadaralka Soomaliya taa oo ku adan habraaca doorashayooyinka dowladaha xubnaha ka ah dowlada fadaralka Soomaliya.
Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in axsaabta qaar ee dalka ka jira iyo maamulka Puntland ay fara gilin ku hayaan maamulka Galmudug waxana uu ka dalbaday in ay joojiyaan faragilinta lagu kala fogaynayo madaxda Galmudug.