Wararka
Goddoomiye Cumar Filish oo shir guddoomiyay Kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Shir Gudoomiyay Kulanka Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Todobaadkii Mar La Qabto Kaas oo Looga Hadlo Xoojinta Horumarka Caasimadda iyo islaxisaabtanka Waxaana isugu yimaada Hogaanka Sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madaxda Degmooyinka.
Intiii uu kulankaasi socday ayaa waxaa lagu falanqeeyay Amniga, Kor u qaadista Kobaca Dhaqaalaha, Nadaafada, cayaaraha, Canshuuraha iyo Hoos u Daadajinta adeegyada Dowlada Hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha Gobolka Banadir ayaa Kula Dardarmaay Madaxda Degmooyinka Gobolka Banaadir in Bulshada si Hufan Loogu Qidmeeyo iyo in la xoojiyo Wadashaqeynta Maamulka Degmada, Laamaha amniga iyo Shacabka.