Wararka
Gobaltooraha magaalada Portland oo ka horyimid ciidamada federalka Mareekankae ku sugan magaaladaasi.

Gobaltooraha magaalada Portland ee ka tirsan ismaamulka Oregon ee dalka Mareekanka ayaa ku baaqay in ciidamada dowlada federaalka ay isaga baxaan magaaladaas.
Waxa jira dibadbaxyo dhaca habeenkii kuwaas oo looga soo horjeedo tacadiga booliiska oo ka dhacaya magaalada Portland tan iyo markii nin madoow Ameerikaanka ay booliiska dileen 25kii bishii May.
Dowlada Maraykanka waxa ay iyaana dhankeeda sheegtay inay isku dayeyso inay xasilooni ku soo celiso magaaladaas.