Wararka

Gawore oo qada sharaf loogu sameeyay madaxdii ka soo qayb gashay madasha aragti-wadaagga ee machadka Heritage.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad goboleedka Puntland Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo uu wehliyo ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa ka qeyb galay kulan qado ah oo uu Madaxweynaha Puntland H.E Said Abdullahi Deni, ku casumay Madaxda ka qeyb-galaysa madasha aragti-wadaagga ee machadka Heritage.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb-galay Guddoomiyaha Aqalka sare , Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Shacabka , Mohamed Mursal Sheikh Abdurrahman , Ra’isul wasaare ku xigeenka JFS, Mahdi M. Gulaid, Madaxweyne ku xigeenka puntland, Ahmed E. Osman Karaash iyo Musharaxiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya.

Magaalada Garowe ee casimada puntland ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socda dood ay soo qaban qaabisay madasha aragti-wadaagga ee machadka Heritage.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close