Wararka
Galkcayo oo laga bilaabay mashaaric hormarineed.

Duqa magaalada Gaalkacyo dhinaca ay maamusho Galmudug Xirsi Yuusuf Barre ayaa maanta dhagax dhigay xarunta ururka haweenka iyo dhinaca lagu daweeyo caruurta isbitaalka guud magaalada Gaalkacyo.
Gudoomiyaha magaalada gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Yuusuf Barre oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay mashaariicdan hormarineed oo laga hirgalinayo xarunta gobolka mudug ee Gaalkacyo dhanka ay gacanta ku hayso Galmudug.
Dhawaan ayay aheed markii ay Wasaarada Amniga dowlad goboleedka Galmudug gaara ahaan Taliska Booliska ku wareejisay Xaruntii ururka Haweenka Gaalkacyo oo mudoba gacanta ugu jirtay shaqsi gaar si ay haweenku ugu adeegsadaan xaruntaani aarimahooda gaarka ah.