Wararka
Galkacyo oo lagu qabtay Xuskii ugu horeeyay ee Puntland.

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xalay markii ugu horeysay lagu qabtay Munaasabadda Xuska sannad-guurada 22-aad ee as’aaskii Dowlad goboleedka Puntland oo ay ka qayb galeen madax uu ugu horeeyo Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Den.
Munaasabadda waxa sidoo kale ka qayb-galay Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiweli Gaas, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha Puntland, Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi, Maamulka Gobolka Mudug kan Degmada Gaalkacyo, Ururada Bulshada Siyaasiyiin Hoggaanka Dhaqanka Aqoonyahanno iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gaalkacyo.
Madaxweyne Deni oo khudbad dhinacyo badan taabanayso ka jeediyay madasha ayaa bulshada la wadaagay horumarka dhinac walbo leh ee Puntland gaartay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, oo ay ku jirto waxqabadka guulaha laga gaaray ee ay sanadkan hirgelisay Dowladdu sida Amniga, tirakoobka, tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidamada, hirgelinta nidaamka dimuqraadiyada, nabadeynta iyo isbedelka tayeyn iyo tashiil ee maaliyadda.
Puntland ayaa waxaa la asaasay 1998-dii, Waxaana 22kii sano ee nidaamka Dowladdnimo dhisnaa uu dadka reer Puntland gaarsiiyey barwaaqo iyo horumar, Soomaaliyana waa u sal iyo tiir waana meeshii laga baadi doonay dib u yagleelka Dowladdnimada Soomaaliya burburkii kadib.