Wararka
Gabar kale oo Soomaali ah oo xil sare ka qabatay Mareykanka.
Waxaa soo badanaayo soomaalida xilalka sare ka qabata dalka mareykanka, iyadoo taasi caddeyn aay utahy isbadalka muuqda aay sameyeen soomaalida ku nool qurbaha.
Haatan Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida daggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare oo qeyb ka ah maamulka gobolka.
Gabadhan ayaa loo magacaabay jagada kaaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota, inkastoo markii hore ay dadaal ku bixisay in wasiir ku xigeen laga dhigo.
Canab ayaa ku biireysa shakhsiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sar sare ka qabtay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu aadka ugu badan yihiin ee Minnesota, halkaasoo ay si weyn uga soo muuqdeen siyaasiyiin kasoo jeeda Soomaaliya.
Aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska ayaa waxaa deegaan ka mid ah gobolkaas u matasha gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ilhaan Cumar, taasoo noqotay qofkii Soomaaliga ahaa ee ugu horreeyay ee dalkaas ka qabtay xilkii ugu sarreeyay.
Dhawaan ayey ahayd markii Cabdiraxmaan Muuse oo ka mid ah Soomaalida deggan gobolka Minnesota loo dhaariyey golaha sare ee jaangooya, qorshaha siyaasadda, dhaqaalaha, guriyeynta iyo hawlaha guud ee kala badh gobolka Minasoota.
Golahan ayaa dusha ka maamulaan 186 magaalo oo ay deggan yihiin illaa labo malyan iyo badh dadka reer Minisoota.
Wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnesota ayey Canab sheegtay in ay leedahay awood iyo dhaqaale faro badan.