Wararka

farmaajo oo Tacsiyeeyay u diray dadkii werarkii maanta ku dintay.

Madaxwayne farmaajo oo tacsi u diray dhamaan shacabka soomaaliyeed iyo eheladdii uu ka geriyooday Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxwaynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mohamed C/llahi Farmaajo ayaa tacsi u diray umadda soomaaliyeed iyo eheladii uu manta ka geriyooday Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo ahaa Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Madaxwaynaha ayaa Xildhibaanka ku tilmaamay in uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

“Innaa Lilaahi wa innaa ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto dhammaan dadkii ku shahiiday falalkii waxshinimada ahaa ee maanta dhacay oo uu kamid ahaa Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Wasiirku waxa uu ahaa nin afgaaban, edeb badan, waddani ah, dalka iyo dadkana ugu adeegay si daacadnimo iyo hufnaan ay ka muuqato.

Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago in shacab iyo ciidanba loo midoobo kooxaha argagixisada ah ee maalin walba doonaya in ay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed, burburiyaan hantidooda, barakiciyaana birimageydada si aysan u hana qaadin dowladnimadeeda.

Sugidda nabadgalyada waa masuuliyad saaran ciidamada iyo hay’adaha amniga, waana in ay dardargeliyaan hawlaha loo igmaday si looga hortago dhagarta ay kooxaha argagixisada ahi la maagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, shacabkuna waa in ay gacan ka geystaan sugidda nabadgelyada”.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close