Wararka
Faransiiska oo hakiyay dowrkiisa howlgalka Nato xilli uu khilaaf wayn kala dhaxeeyo Turkiga.

Dowladda Faransiiska ayaa si ku meelgaar ah waxa ay uga baxday howlgalka ammaanka ee gaashaanbuurta Nato, xilli uu khilaaf wayn kala dhaxeeyo dowladda Turkiga.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in Faransiiska uu hakiyay doorkii uu ku lahaa Howlgalka Ilaalinta Badda, iyadoo Turkiga ku eedaysay inuu ku xadgudbay cunaqabataynta hubka ee saaran Liibiya.
Arrintan ayaa imanaysa todobaadyo kaddib markii maraakiib Turkiga uu leeyahay lagu eedeeyay inay bartimaameedsadeen markab dagaal oo uu Faransiiska leeyahay oo marayay badweynta Mediterranean-ka – arrintaas oo ay Ankara si xooggan gaashaanka ugu daruurtay.
Dalka Liibiya ayaa waxaa ragaadiyay colaad tan iyo markii ay ciidamo uu baritaarayay isbahaysiga Nato ay xilka ka tuureen Korneel Mucamar Qadaafi.