Wararka
Senator Iftiin Xasan iimaan (Baasto) ”arinta nalagu sameyey maanta waxa ay ahayd mid nasiib daro ah”

Qaar kamid ah Xildhibanada Aqalka Sare Baarlamaanka federaalka ayaa edeyn u soo jeediyay dowlada federaalka kadib xayiraad ay sheegeen in lagula kacay.
Senator Iftiin Xasan iimaan (Baasto) ayaa sheegay in maanta loo diiday socdaal ay ku tagi lahaayeen dowlad goboleedka Jubbaland halkaas oo ay doonayeen in ay kaga qayb galaan aaska- Allah u naxariistee Wasiirkii waxbarashada maamulkaasi.
Sidoo kale Senator C/lahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa dhankiisa sheegay in ay nasiib daro tahay in la xayiro xili ay u diyaar garoobeen aaska wasiirka kaas oo dhawaan ku geeriyooday dalka Hindiya mantana lagu aasay Kismayo.
Senator Iftiin Xasan iimaan (Baasto) ''arinta nalagu sameyey maanta waxa ay ahayd mid nasiib daro ah ''
Posted by TUSMO TV on Sunday, 10 May 2020