Wararka
Faahfaahino laga helayo Qarax ka dhacay Hotel Afric.
Wararka naga soo garayo Hotel Afric oo ah halka uu ka dhacay Qarax Ismiidaamin ah ayaa lagu xaqiijiyay in Hotelka laga soo bad baadiyay Xaaji Xuseen Goleey oo ah Milkiilaha Hotelka Qarax lala beegsaday iyo odayaal kale.
Sidoo kale waxaa socda howlgal lagu soo bad baadinaayo dadka gudaha Hotelka ku jiro iyadoo ay goobta ku sugan yihiin Ciidamada Amniga dalka.
Galabta ayaa Hotelka laga beegsaday Qarax balse ilaa hadda ma cadda qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca balse sida ugu dhaqsiyaha badan ayaaad halkaan kala socon doontaan.