Wararka
Faahfaahino kasoo baxaayo weerarkii lagu qaaday Hotel SYL.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxayso weerar fiidnimadii caawo lagu qaaday Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho halkaas oo ay weerar ku qaadeen kooxa hubaysan oo la sheegay in ay katirsan yihiin Al-shabaab.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakia Xussen ayaa xaqiijisay in weerarkaan ay soo qaadeen ragg gaaraayo ilaa afar kuwaas oo laba kamid ah lagu toogtay banaanka halka laba kalena ay gudaha u galeen hotel-ka oo ay ilaa hadda ay ka dhex dhagalamayaan.
“Abbaaro 7dii habeenimo (7pm) ayaa qoladii nabad diidka ah weerar ku soo qaadeen hotel SYL iyadoo 2 ka mid ah lagu dilay hotelka banaankiisa sidoo kalena labo kale haatan ay ciidamada amaanka kula dagaallamayaan gudaha Hotelka” ayay tiri Taliye Zakia Xussen.
Dadka uu dhaawaca soo gaaray ee dhaawacoodu fududyahay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo sheegay in uu dhaawac fudud soo gaaray balse uu hadda caafimad qabo.
Wixii faahfaahin intaas dheer halkaan ayaan idin kuugu soo gudbin doonaa Hadduu Allah Idmo.