Wararka

Faahfaahino Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxeysa  Tirada Dadak Ku Dhintay Fatahaadu Ku Dhuftay Dalka Indonosia.

Ugu yaraan 73 qof ayaa ku dhintay in ka badan 60 qofna waa la la`yahay kaddib daadad ku dhuftay gobolka bariga Indonesia ku yaalla ee Papua.

Kooxaha badbaadada ayaa dadaal ugu jira sidii ay u gaari lahaayeen dhulalka miyiga ah ee gobolka ka tirsan, waxaana jira cabsi ah in tirade dhimashada ay sii kororto.

Waddooyinka ayaa waxaa jaray daadad iyo dhul go` iyo geedo soo jabay, daadadka ayaa sidoo kale saameeyay buundooyin iyo in ka badan boqol guryo.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa ku qasbanaaday inay guryahooda isaga baxaan, qaarkood ayaana hoy ka dhigtay xafiisyada dowladda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in roobab xoog leh oo bilowday fiidnimadii Sabtidii uu da`ayay habeenkii oo dhan, kuwaas oo sababay daadad.

Dadka ku waxyeeloobay daadadkaas ayaa laga baadigoobayaa magaalada Sentani, oo ka mid ah meelaha ugu daran ee ay daadadku saameeyeen.

Ugu yaraan 51 qof ayaa lagu dilay magaalada, sida uu sheegay Sutopo Purwo Nugroho oo ah afhayeen u hadlay hay`adda ka hortagga musiibooyinka ee dalkaas.

Toddoba qof oo kale ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Jayapura, sida uu sheegay Mr Nugroho.

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close