Wararka
Faahfaahinno ka soo baxaayo weerar lagu qaaday Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Weerar subaxnimadii hore ee maanta ka dhacay Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay soo qaadeen Al-shabaab kaas oo loo adeegsaday Gawaari ayaa waxaa war kasoo saaray Taliska Ciidammada Xoogga Dalka.
War kasoo baxay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa lagu daabacay sida tan” Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in ciidanka xoogga iyo Saaxiibbada Mareykanka ee taageera ay iska caabiyeen weerar gawaari loo adeegsaday oo argagixisadu ku soo qaadeen Saldhigga Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose”
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa sidoo kale sheegay in weerar kaan oo ay wakhti badan soo galiyeen Al-shabaab ay ku guulaysteen in ay kusoo afjaraan muddo ka yar 10-daqiiqo waxaa ayna intaasi ku dhareen in aan wax khasaare ah dhankooda uusan soo gaarin.
Taliska Ciidammada Xoogga Dalka ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku dileen dhamaan kooxdii weerarka soo qaaday.
Al-shabaab ayaa sheegtay weerarkaani waxaa ayna sheegeen in dagaalamayaashooda ay gudaha u galeen saldhiga Balli-doogle waxaa ayna intaasi kudareen in khaaro ay u gaysteen ilaaladii Saldhiga iyo nawaaxiga wixii ka dhawaaba.