Wararka
Faahfaahin qaraxii maanta ka dhacay xarunta Degmada Warta Nabada.
Qarax jugtiisa si weeyn looga maqlay ayaa abaara barqadii saakey ka dhacay xarunta degmada Warta Nabada ee Muqdisho.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa dhinaca dambe ee degmada Warta Nabada ee Muqdisho ka soo galay ayaa is qarxiyay sida ay sheegeen goobjoogayaal.
Qaraxaasi ayaa waxaa uu geeystay qasaare badan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Ugu yaraan afar ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas,halka tiro kale oo aan la shaacin ay ku dhaawacmeen,waxaana xaalada goobta ay tahay mid weli kacsan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in qarax uu ku dhaawacmay Xoghayaha Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir Cali Aadan Warsame,kaasi oo loo qaaday mid kamid ah goobaha Caafimaadka ee Muqdisho.
Gaadiida gurmadka deg deg ah ayaa goobta ka daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo isku gadaamay aaga Xarunta oo dhan.