Wararka
FAAHFAAHIN QARAXII MAANTA KA DHACAY CAASIMADA MUQDISHO.
Qarax miino oo ladhigay wadada dhinaceeda ayaa ku qarxay gawaari gaashaaman oo ay leeyihiin ciidanka talyaaniga ee qaybta ka’ah ciidanka midowga yurub ee Soomaaliya ku sugan.
Qaraxa ayaa haleelay kolanyada oo marayay wadada warshadaha ee muqdisho, meel aan sidaas uga fogeen kuliyadii jale siyaad.
Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jugta qaraxa oo sidoo kale laga maqlay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Ilaa hada wax qasaara ah lama sheegin oo gaaray kolanyadii qaraxa lala beegsaday.
Ciidanka Talyaaniga ee ku sugan Muqdisho ayaa subixii lagu arkaa iyagoo maraya wadooyinka qaar ee Muqdisho, waxaana laba sano gudohood ay noqonaysaa markii labaad oo wadadaas lagu beegsado ciidanka Talyaanigaa ee kamid ah saraakiisha tababarayaasha ee dowlada Soomaaliya taageera.