Wararka
Faahfaahin laga helay Qaraxii saka Muqdisho ka dhacay.
Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa war ka soo saaray Qarax saaka ka dhacay Muqdisho.
War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka Booliska ayaa lagu sheegay in abaare 9:10 am ee saaka, gaari lagu soo raray walxaha Qarxa, uu soo jiiray barta hubinta gaadiidka ee u dhow iskoyska Dabbka ee Ciidanka Boliiska, Ciidanka oo rasaaseynaya ayuu soo gaaray barta hubinta gaadiidka ee u dhaw isgoyska Sayidka ee laga hubiyo gaadiidka galaya Madaxtooyada.
Qaraxa ayaa dhacay dadka oo ka feejignaa dhawaqa rasaasta iyo qeylo-dhaanta Ciidanka, kaas oo sababay qasaare dhaawac oo gaaray ilaa 7 qofood iyo burbur hantiyeed oo ah 8 gaadiid ah iyo 9 Mooto Bajaaj, walow aysan jirin wax qasaare dhimasho ah oo dadka ka soo gaaray goobta, marka laga reebo ruuxii waday gaariga qarxay.