Wararka
Faah-Faahino Kalduwan ayaa laga helayaa Qarax barqanimadii Manta Ka Dhacay qaybo Kamid ah M.Muqdisho.
Gaariga oo ahaa nooca raaxada gaar ahaan Hilux ayaa waxa uu ku qarxay inta u dhaxeysa Daarta MBC iyo Isgoyska Black Sea ee Magalada Muqdisho, waxaana la sheegay in Gaariga ay laheyd Jaamacadda SIMAD oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho.
Wararka aan helayno ayaa waxay sheegayaan in qaraxaasi uu ku dhintay Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Jeylaani oo ka tirsanaa Shaqaalaha Jaamacadda SIMAD,sidoo kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas Sadex ruux oo ka Shaqeynayay maqaayad ku taalla halka uu qaraxa ka dhacay.
Xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ayaa haatan ah mid degan,waxana dib u furmay isku-socodka dadka iyo gaadiidka oo ay hakad geliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo markii uu qaraxu dhacay halkaasi garey