Wararka
Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaliya.
Warar dheeraad ah aya ka soo baxaya gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan militariga Soomaaliya oo qarax lagula eegtay deegaan lagu Magacaabo Gololeey deleedka degmada Balcad ee gobolka Shabelaha Dhaxe.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari qooqan ah uu leeyahay taliyaha Ururka 57-aad ee Guutada 1-aad ee Millateriga Soomaaliya kaas oo lagu Magacaabo Cali Xuubeey sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Qaraxa uu ku geeryooday hal askari halka 2-kalena ay ku dhaacmeen waxana Askarta dhaawaca ka soo gaarey qaraxa loo qaadey cisbitaal ku yaala degmada Balcad ee gobolka Shabeleda Dhaxe halkaas oo xaaladooda caafimaad lagu dabiibayo.
Geesta kale gaari Cabdi-Bile ah oo gurmad ahaan ugu socday gaariga uu qaraxu haleelay ayaa waxaa isna qabsaday Qarax kale, waxana wali la ogeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas.
Deegaanka Gololey ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu ku yaala wada xariirisa deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad wali ma jirto wax wara oo ka soo baxay masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle oo la xariira qaraxa.