Wararka

Faah-faahin ka soo baxaysa Diyaarad rakaab ah oo ay leedahay shirkadda Itobiyan airline oo burburtay.

Guud ahaan waxaa geeriyooday rakaabkii saarnaa diyaarada Itobiya airline oo nooceedu ahaa Boeing 737 taas oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

08:38 ayey ka duushay garoonka diyaaradaha Bole international airport ee magaalada Addis-Ababa, 157 qofood ayaa saarnaa diyaarada oo 8-ka mida ay ahaayeen shaqaalaha diyaarada.

Guud ahaan dadkii saarnaa diyaarada  ayaa ku geeriooday sida ay xaqiijisay wakaalada wararka u faafisa Itoobiya ee loo soo gaabiyo fana.

Diyaarada waxaa saarnaa dad u dhashay 33-dal sida ay qortay fana mana sheegin magacyada dalalkaas. Dowlada Itoobiya ayaa ka tacsiyadeysay dadkii ku geeriyooday shilkaas diyaaradeed,waxaana maamulka Addis- Ababa uu sheegay in baaritaano ay weli wadaan oo ku aadan waxa sababay in ay diyaaradu dhacdo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close