Wararka
Faah faahin Dheeraad ah Ayaa Ka Soo Baxaysa Qarax ka dhacay Magalada Muqdisho.
Qaraxaan oo ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay Afaafka hore ee Maqaayad lagu Magacaabo Dalsan oo ku taalla meel u dhow Taalada Xaawa taako ee Magalada Muqdisho.
Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa ku yaalla Koontorool ay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ka ilaaliyaan Madaxtooyada Soomaaliya,isla markaana gawaarida lagu hubiyo.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Gaariga qarxay la dhigay Goobta uu ku qarxay,waxaana inta badan istaaga Gawaarida ku wajahan dhinaca Madaxtooyada, iyada oo qofka wata uu kasoo dago kadibna uu soo aado Koontoroolka Ciidanka si uu u tuso kaarkiisa Aqoonsiga kadibna uu sidaasi ku gudbo.
Xilliga uu qaraxa dhacayay ayaa goobta waxa ay aheyd mid mashquul badan,waxaana ku yaalla goobo Ganacsi oo kale,sida Maqaaxiyo Shaaha laga cabo, Goob Timaha lagu jarto,waxana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo uu qaraxaasi geystay Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, halka tiro kalena ku dhaawacantay, waxaana laga yaabaa in khasaaraha intaa ka bato.
Gaadiidka dhinaca Godka Jilacow kasoo geli jiray Madaxtooyada ayaa la joojiyey.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, waxaana intaa ku dartay inay qarxiyeen mid ka mid ah Koontaroolada laga ilaaliyo Madaxtooyada, waxaana horay uga dhacay qaraxyo dhowr ah.