Wararka

(Faafaahin): qarax ka dhacay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Magalada Dhuusa-mareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxa ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lala eegtay gob maqaaxi ah oo ku shaahaynayeen xilibano ka tirsan maamulka Galmdug iyo dadwaeyne kale.

Maqaaxida la isku qarxiyey ayaa ku taala afaafka hore e xarunta oo uu  ku shaqeeyo madaxada xukuumada Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir.

Goobjoogayaal  ku sugan magalada Dhuusa-mareeb ayaa u sheegay warbaahinta in Shan  qof ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa kuwaa oo  afar kamid ah ay ahaayeen gabar maqaayada lahayd iyo seddex caruurra oo ay dhashay  iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Galmudug oo lagu magacaabo  Sh.C/Raxmaan Barakaqabe uu dhaawac fudud  ka soo gaaray qaraxa.

Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug Cabdullahi Cabdi Raage ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay iyadoo halkaasi ay gaareen  saraakiil ka socota Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyagoona sameyey baaritaano ku adan sababta ka dembeysa qaraxa.

Qaraxan ka dhacay magalada  Dhuusamareeb ayaa imaanaya  maalin uun kadib markii qarax iyo weeraro lagu qaadey hotel ku yaala magalada kismayo ee xarunta kumeel gaarka Jubaland halkaas oo lagu dilay 26 qof laguna dhaawacay ku   dhawaad  lixdan ruux.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close