Wararka
Ergayga gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya oo ka tacsiyeeyay weerarka ka dhacay mugdisho.
Wakiilka Gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ayaa cambaareeyay weerarkii shalay galab lagu qaaday xafiiska Duqa caasimada Muqdisho halkaas oo ay ku dhinteen masuuliyiin ay ka mid yihiin laba Guddoomiye iyo seddex Aggaasime-yaal sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Guddoomiyaha Gobolka Banadir Ingineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.
Warsaxaafadeedka kasoo baxay xafiiska UNSOM Ayaa sidoo kale waxaa tacsi loogu diray eheladii, qarabadii, saaxiibadii iyo dowlada Soomaaliya waxaa ayna Guddoomiyaha u rajeeyeen in uu Helo caafimaad Deg Deg ah.
Wakiilka gaar ah ee xoghayaha Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa isaga kulan shalay la qaatay Guddoomiyaha Gobalka Banadir kulankaas oo uu guddoomiyaha ugu warbixiyay wakiilka xaalada Gobalka Banadir.