Wararka
Erga kasoo ambabaxay degmada Doolow oo gaaray magaalada Kismaayo.
Waxaa maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland gaaray Odayaal dhaqameed iyo Waxgarad kasoo ambabaxay degmada Doolow ee gobolka Gedo.
Odayaashaan oo ah ergada soo xuli doonta Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Jubbaland ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo ee Sayid Maxamed Cabdulle kusoo dhoweeyey Odayaasha dhaqanka Jubbaland iyo qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Jubbaland.
Ergadaan ayaa ka kala timid degmooyinka Beledxaawo, Luuq iyo Doolow waxaa ayna ka qayb noqon doonaan odayaasha soo xuli doona Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Jubbaland.