Wararka

Erga kasocota degmada Ceeldheer oo gaaray Magaalada Dhuusa-mareeb.

Waxaa maanta magaalada Dhuusa-mareeb ee casimada Galmudug gaaray Ergayda degmada Ceeldheer ku meteleysa shir-weynaha looga tashanayo aayaha Galmudug waxaana Garoonka Ugaas Nuur  kusoo dhaweeyay ergadaas Guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug iyo dhaqanka magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoon Cabdullaahi Geedi Shadoor oo hoggaaminayay ergada maanta soo gaartay magaalada madaxda dowlad gobaleedka Galmudug ayaa u mahad celiyay guddiga dib-u-heshiisiinta, Madaxda Galmudug, dowladda federaalka iyo dhamaan inta gacanta ka geysatay dadaallada dib-u-dhiska Galmudug.

Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel),Guddomiye ku-xigeenka guddiga dib-u-heshiisiinta Galmudug ayaa uga mahad celiyay ergada Ceeldheer aqbalaadda casuumaadii ay u fidiyeen, ayna usoo diyaar garoobeen ka qayb galka shir-weynaha lagu doonayo in reer Galmudug ay aayahooda uga tashadaan.

Guddomiye ku-xigeenka guddiga ayaa sidoo kale u rajeeyay in ay qaybta uga aadan ka qaadan doonaan shirka dib-u-heshiisiinta ee dhawaan ka furamaya magaaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Galmudug si loo laba jibbaaro shaqada balaaran ee horumarka deegaanka lagu baadi goobayo.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close