Wararka

Booliiska Soomaaliya oo maanta gaaray Deegaanka Gerijir.

Ciidamo ka Tirsan Booliiska soomaaliya ayaa maanta la geeyey Deegaanka Gerijir ee hoos tagta Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxana ay ciidamada ay la howl bilaabeen taliyaha cusub ee loo magacabey deegaankaasi laba xidigle Cabdulahi Aadan oo munasabad lagu qabtay degaanka uu xilka kala wereegay taliyiihii hore ee deegaankaasi laba xidigle Maxamed Maxamuud Seerar.

Munasabadan ayaa waxa goob joog ka ahaa saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaliyeed waxana ciidamadan la geyey deegaanka ay la soconayaan dhaq-dhaqaaqa Degmadaaas ay la wadaagto Itoobiya.

Ugu horeyn taliyasha xilka ku kala wereegay maxamed maxamuud seeraar taliyihii hore ee deegaanka gerijir iyo taliyaha cusub ee deegaankaasi laba xidigle cabdulahi aadan ayaa madasha ka jediyey hadalo kooban.

Gaashaanle Gallad Maxamuud Qayliye oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed iyo Dhamme Cabdifitaax Maxamed Jaamac Fooneeye Taliyaha Booliiska Matabaan oo munaasabadda ka hadlay waxa ay bogaadiyeen isbedlekan cusub ee lagu sameyey deegaanka .

waxa ayna masuuliyiintan ay amreen Ciidamada Booliiska in ay ka shaqeeyaan ammaanka iyo la dagaalanka qaadka laga soo gudbiyo Itoobiya oo maalmihii aynu kasoo gudubnay lagu gubayay qaybo kamid ah Gobolada Dalka

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close