Wararka
Duuliyaal la sheegay in ay ku shaqeeyaan sharci been abuur ah dalka Pakistan.
Boqol kii ba soddon (30%) duuliyaasha rayidka dalka Pakistan ayaa la sheegay in ay sitaan ama haystaan sharci been abuur ah oo aysan u qalmin in ay duuliyaan diyaarad sida laga soo xigtay wasiirka duulista rayidka dalkaasi maalinimadii arbacada.
Wasiirka duulista Rayidka Pakistan Ghulam Sarwar Khan ayaa sheegay in dalkaasi ay ka howlgalaan 262 duuliye kuwaas oo aan wax imtixaan ama tijaabo ah laga qaadin badalkeedana booska ku yimid qarash ay bixiyeen.
Pakistan ayaa waxaa ka shaqeeyo duuliyaal gaaraayo 860 kuwaas oo ka howl gallo duulimaadyada gudaha oo ay kamid tahay diyaarada Pakistan Airlines iyo kuwa kale oo shisheeye.
Afhayeen u hadlay diyaarada caalamiga ah ee dalka Pakistan oo lagu magacaabo Abdullah Khan ayaa shaaciyay in diyaaradaani qaranka aysan u shaqeyn duuliyaal aan qibrad la’heen balse ay jiraan duuliyaal aan haysan laysan sharci ah oo duuliya diyaaraa shisheeye.