Wararka
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay qaatay Madaxa Hey’adda Cunada aduunka ee WFP.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) ayaa maanta Xarunta aqalka Dowlada Hoose Xamar kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda Qaramada Midoobe u Qaabilsan Cunada aduunka ee WFP Qeybteeda Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo.
Guddoomiye Cumar Maxamud Maxamed ( Cumar Filish) iyo madaxa hay’adda Cunada aduunka ee WFP ayaa kawada hadlay sidii hay’adda WFP iyo maamulka gobolka Banaadir ay isaga kaashan lahaayeen barnaamijyada lagu taageeraayo arimaha laxariira wax soo saarka dalka iyo shaqa abuurka dhalinyarada.
Intii uu kulanka socday ayaa sidoo kale masuuliyiinta waxaa ay isla gaareen sidii xalwaaro looga gaari lahaa arimaha barakacayaasha iyo sidii taageera dhab ah loogu sameyn lahaa qoysaska danyarka ah ee ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxaa ay sidoo kale kawada hadleyn in la fuliyo mashriic lagu garab istaagaayo wax soo saarka beeraha iyo qeyraadka bada.