Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay masuuliyiin kasocotay bankiga Addunka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan la qaatay maamulka masuuliyiin kasocotay Bankiga Aduunka (Word Bank) kaas looga hadlayay horumarinta mashaariicda lagu dhisaayo wadooyinka Caasimadda iyo xarumaha danta guud.

Duqa magaalada Muqdisho Cumar Filish oo kulanka shir guddoomiyay ayaa Bankiga aduunka uga mahadceliyay doorka wanaagsan oo ay ka qaadatay in Muqdisho laga soo saaro marxaladihii burburka, waxaa uu sidoo kale guddoomiyaha gobolka Banaadir kala hadlay madaxda Word Bankiga in maamulkiisa ay ka caawiyaan dib-udhiska wadooyinka si loo soo celiyo bilicdii Caasimadda Muqdisho.

Ugu danbeyn Wakiilada Bankiga aduunka u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankooda balan qaaday iney dowlada hoose Xamar ay ka caawin doonaan mashaariic kaste oo lagu horumarinaayo magaalada Muqdisho.Image may contain: 1 person, sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close