Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan gaar ah la qaatay agaasimayaasha Dowlada hoose ee Xamar iyo gobolka Banaadir kaas oo ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo dardaaran ku aadan sidii loo xoojin lahaa howlaha kala duwan ee lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda.

Kulankaan oo ka dhacay Aqalka Dowlada hoose ee Xamar ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyadoo duqa Magaalada Muqdisho Cumar Filish uu mid mid u xogwareysanayay agaasimayaasha uu kulanka la qaatay.

Kulankaan ayaa kusoo aadaayo iyadoo uu Guddoomiyaha Gobolka Banadir uu maanta kormeer ku tagay qaybo kamid ah xafiisyada Gobolka banadir isagoo u kuur galaayay sida ay u socota shaqada ay bulshada u qabaniyaan.Image may contain: 1 personImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 7 people, people sitting and indoorImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people sitting and indoorImage may contain: 9 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 11 people, people sitting, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close