Wararka

Duqa Muqdisho oo kormeeray Goobihii uu saameeyay Roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir ayaa kormeeray qaar kamid degmooyinka gobolka Banaadir ee uu saameeyay Roobkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho.

Goobaha uu kormeeray duqa magaalada Muqdisho waxaa kamid ah xaafadaha degmada Boondheere, Isgooska Fagax iyo Wadada hormarta Masjidka Xareed ee degmada Howl-Wadaag, goobahaas oo kamid ah meelaha uu sida adag u saameeyay roobkii da’ay.

Qasaaraha nafeed ee uu gaystay Roobka xalay ka da’ay caasimada Muqdisho ayaa la sheegay in ay garayaan 8 ruux oo dhimasha ah iyo hal ruux oo dhawac kaso garay waxaana jiro barakacyaal badan oo guryihii ay ku jireen uu qaaday daadka.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close