Wararka
Duqa Muqdisho oo kormeeray Gaadiid loo diyaarinaayo dhismaha waddooyinka Caasimada.

Xarunta Gaadiidka iyo Dhulbixinta dowlada hoose ee Xamar ayaa maanta lagu soo bandhigay gaadiid kala duwan oo loogu talagalay in ay qeyb ka noqdaan dib udhiska wadooyinka Caasimadda iyo dhismaha xarumaha danta guud.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeeray gaadiidkan lasoo bandhigay isagoo sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay dardargalinta bilic soo celinta Caasimada.
Waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo gaaro bur-bur markasto oo uu roob da’a waxaana tani ay kusoo aadeysaa iyadoo roobabkii ugu danbeeyay ay waddooyinka magaalada ay soo gaarsiiyeen bur bur xoogan.