Wararka
Duqa Muqdisho oo ka qayb galay Barnaamijka Kobcinta Wax soo saarka Xoolaha.
Muqdisho (tusmotv.so) – Guddoomiyaha Gobolka Bananadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta ka qeyb galay daahfurka Barnaamijka Kobcinta Wax soo saarka Xoolaha iyo Kalluumaysiga.
Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiiro heer fedaraal iyo wasiiro ka socday dowllad Gobolleedyada Dalka, danjiraha Midowga Yurub ee Soomaliya, hey’adda FAO iyo ganacsato Soomalaiyeed.
Barnaamijka ayaa la filayaa in uu kor u qaado Dhaqaaaha dalka iyo shaqo abuurka.