Wararka

Duqa Muqdisho oo daahfuray Hanaanka Canshuuraha Guud ee Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan Kuxigeenada Gobolka, ayaa daahfuray Hanaanka Hufan ee Canshuuraha Guud ee Caasimadda, kaasi oo qeyb weyn ka qaadanaya qorshaha sare u qaadida dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar iyo La-dagaalanka Musuq maasuqa.

Nidaamka qaadista canshuuraha kala duwan ee Caasimadda oo noqonaya mid hufan ayaa ka qeyb qaadanaya fulinta Mashaariic Horumarineed oo laga hergeliyo Caasimadda sida; dib-u-dhiska Kaabayaasha Adeega Bulshada, Ilaha dhaqaalaha, Adeega Arrimaha Bulshada – Caafimaadka, Waxbarashada iyo Bilic soo celinta Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed in ay si dagan ku bixiyaan canshuurta ku waajibtay si dib loogu celiyo islamarkaana loogu fuliyo adeegyada aas aasiga ah ee bulshada.Image may contain: text that says "MAAMULKA GOBOLKA BENAADIR BANADIR REGIONALADMINISTRATION REGIONAL DOWLADDA HOOSE MUNICIPALITY OF MUQDISHU Waaxda Canshuuraha Dowladda Hoose ee Xamar AMBUL ANCE Wacyi Galinta Canshuuraha Guryaha Daaraha Iyo Dhulka Banaan Canshuurtu Bulshada ka qaad Bulshada ku celi"Image may contain: 7 people, people standing and suitImage may contain: car and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close