Wararka

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka warbixiyay   hawlgallo lagu sugayo amniga muqdisho.

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa shir jaraaid ku qabtay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar isagoo ka warbixiyey hawlgallo lagu sugayo amniga Caasimadda oo ay ku hawllan yihiin laamaha ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay bulshada Gobolka Banaadir in ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidamada iyo dhamaan laamaha amniga oo aay dulqaad u muujiyaan caqabadaha dhanka isu socodka ee ka dhalanaya hawlgallada ay sameynaayaan Laamaha Ammaanku.

“Maalmahaan waxaa u socday Madaxda Qaranku shirar ku qotoma sidii loo adkeyn lahaa amniga Caasimadda, shacabkuna ay u heli lahaayeen kalsooni buuxda oo ka aaddan arrinkan. Si taas loo xaqiijiyo waxaa bilowday hawlgallo lagu xasilinayo amniga oo ay wadaan Ciidamadu.”

Guddoomiye Yarisow ayaa soo bandhigay qorshaha Gobolka Banaadir ee ku aaddan fududeynta isu-socodka Caasimadda inta ay socdaan hawlgallada amniga, isagoona sheegay in gaadiid dadweyne loo qorsheeyey dadka nugul ee aan karin socodka dheer.

Guddomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xaqiijiyey in Bahda Warbaahinta iyo shacabka Soomaaliyeedba ay si joogta ah ula wadaagi doonaan warbixinaha hawgalkan, caqabadaha ku xeeran ee loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo iyo mira dhalkiisa.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close