Wararka
Duqa Magalada Magalada Muqdisho oo Shacabka udu digay halista Covid19.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Magalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa sheegay Muhiimada ay leedahay Wacyi gelinta si looga feejignaado Xanuunka Covid19 kadib markii uu Maanta ka qeyb galay Munaasabad lagu soo bandhigay daraasad ka hadleysa saameyntii uu Xanuunka Covid19 ku yeeshay shacabka ku nool Gobolka Banaadir.
Ka sokow Duqa Magaalada Muqdisho waxaa Munaasabadda Joogey Guddoomiye ku Xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaliya, Wakiilka UNDP ee Soomaliya, Agaasimayaal iyo qaar ka mid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Daraasadan oo lala kaashaday Midowga Yurub iyo Hey,ado kale waxa soo bandhigay Unuga Xalka Waara ee Maamulka Gobolka Banaadir.