Wararka

Duqa magaalada Muqdishooo kulan la qaatay madaxda fulinta Hey’adda Q.M u qaabilsan arimaha socdaalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta Xarunta aqalka dowlada hoose Xamar kulan kula qaatay madaxda fulinta Hey’adda Q.M u qaabilsan arimaha socdaalka ee I.O.M Mss Dyane Epstein waxaana kulankani goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka Gobolka Banaadir iyo Xog’hayaha guud ee gobolka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa ay labadha dhinac kawada hadleen sidii loo dardargalin lahaa mashriicda horumarineed ee laga fulinaayo Caasimadda dowlada Soomaaliya ee MUqdisho, shaqa abuurka dhallinyarada iyo arimaha la xariira maareenta barakacayaasha.

Madaxda fulinta Hey’adda Q.M u qaabilsan arimaha socdaalka ee IOM Mss Dyane Epstein ayaa kulanka kadib la hadashay warbaahinta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) waxa uu sheegay in hey’ada I.O.M iska kaashan doonaan qorshaha horumarinta degmooyinka gobolka Banaadir.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close