Wararka

Duqa magaalada Muqdisho oo kulan la qaatay ku xigeenka ergayga gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada Adam Abdelmoula.

Kulankani oo ay goob joog ka ahaayeen guddoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyada gobolka Banaadir iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir ayaa looga hadlay sidii hey’adaha Qaramada Midoobe ay dowlada hoose Xamar uga caawin laheyd horumarinta arimaha barakacayaasha, shaqa abuurka, waxbarashada, xoojinta taageerada dhinaca amniga iyo dib udhiska Caasimada.

Ku xigeenka ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan iskuduwaha dhinaca arimaha bini’aadanimada Adam Abdelmoula oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin garab istaaga dowlada Soomaaliya gaar ahaan maamulka Gobolka Banadir ayna gacan kasiiin doonaan dhismaha bilicda Caasimada dalka.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa sidoo kale dhankiiisa ka warbixiyay wax yaabihii ay isla meel dhigeen madaxda QM u qaabilsan Soomaaliya.Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close