Wararka

Duqa magaalada Muqdisho oo daahfuray kulan looga hadlaayay Maaraynta barakacayaasha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa daah-furay shir ay dowlada hoose Xamar kusoo bandhigeysay siyaasada lagu maareynaayo barakacayaasha kuwaas oo tira ahaan lagu qiyaasay iney kor u dhaafeen 500,000 (shan boqol oo kun qof).

Daah-furka shirkani ayaa waxaa goob joog ahaa wasiir ku-xigeenka howlaha guud ee XFS qaar kamid ah gudoomiyaasha gobolada iyo duq-yaasha magaalooyinka ee dowlad goboleedyada dalka iyo xubna ka ka socday hey’adaha deeq bixiya yaasha.

Shirkaan ayaa intii uu socday waxaa lagu  soo bandhigay qorshaha ay dowlada  hoose ee Xamar ugu talagashay xal u helida arimaha barakacayaasha iyo sidii loo abuuri lahaa fursado ay barakacayaasha kuheli lahaayeen dib u dajin.

Wasiir ku-xigeenka howlaha guud, dib udhiska iyo guryeenta ee xukuumada federaalka Soomaaliya  ayaa ka hadlay masuuliyada qof kaste ka saaran arimaha maareenta barakacayaasha waxaa uuna masuuliyiinta kale duwan ee kulanka kasoo qayb galay kula dar daarmay daryeelka dadka barakacyaasha in la dardargaliyo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo shirkani daahfuray waxa uu ka hadlay qorshaha maamulkiisa uga dagsan maareenta nolasha dadka barakacayaasha.

Markii uu soo idlaaday shirka ayaa madaxdii kasoo qayb gashay kulanka waxaa ay si wada jir ah u kormeereen qaar kamid ah kaamamka ay kunool yihiin dadka barakacayaasha ah kuwaas oo la nool daruufa dhinaca nolasha ah iyagoo deegaansaday gurya ka sameysan baco iyo cooshada aan ka difaaci karin dhaxanta iyo cadceeda.Image may contain: 1 person, suitImage may contain: 7 people, people sittingImage may contain: 1 person, suit

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close