Wararka
Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey oo ka hadlay dibad-baxyada ka socda magaaladaasi.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey oo ka hadlay dibad-baxyada ka socda magaaladaasi ayaa sheegay in dadka caraysan ee dhigaayo banaanbaxyada aysan kaliya ka caraysneen dilkii loo gaystay madowgii muwaadin American-k ahaa ee George Floyd oo Boliska Minneapolis u dileen si bani’aadanimo ka baxsan.
Jacob Frey ayaa Yiri ”carada iyo murugada ka muuqata bulshadeyda madowga ah ma ahan mid ka dhalatay shan daqiiqo oo waxuushnimo ah balse waa mid taagneed 400 oo sano ka hor”
Dibadbaxyaasha caraysan ayaa gudaha u galay dukaamada ku yaalla magaalada Minneapolis iyagoo dhac iyo bur-bur xoogan u gaystay dhamaan goobihii ganacsi.
Ciidamada Ilaalad Qaranka Mareykanka ayaa lagu daabulay magaalada Minneapolis iyagoo loogu baaqay iney soo celiyaan nidaamka iyo kala dambeyntii magaalada.George Floyd, oo ahaa 46 sano ayaa Isniintii geeriyooday waxaana baraha bulshada ku bahaay muuqaal mujinayay isgaoo oronaya ” Ma neefsan karo” waxaana markaasi luqunta jilibka kaga hayay nin cadaan oo boolis ah.